Maxaa ka cusub Goof-gaduud ?

0
177

Goof Gaduud(INO)- Waxaa saakay degan xaalada Degaanka Goof-gaduud Buurey oo 30-KM ujira Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka, kadib markii shalay ay halkaasi ku dagaalameen Ciidanka Dowladda Federaalka, kuwa Koonfur Galbeed oo isku dhinac ah iyo Dagaalyahanada Shabaab.

Dagaalkan oo labada dhinacba ay ka sheegteen guulo kala duwan, ayaa ku faanay in mid walba isaga uu maamulayo Degaanka.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo oo ku sugan Degaanka Goof-gaduud Buurey ayaa soo sheegaya Ciidanka Dowladda in ay ku sugan yihiin Degaanka, sidoo kalena laga saaray Dagaalyahanada Shabaab.

Wariyaha Idale News Online ee Magaalada Baydhabo ayaa soo sheegaya saakay in ay degan tahay xaalada Degaanka Goof-gaduud, Ciidanka Dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ay wadaan Howlagllo ka dhan ah Shabaab.