Masuul u hadley Gobalka Banaadir: “Shan Degmo oo Gobalka ka Tirsan Ayaan Tirokoobka Guryaha Ka Bilowney”

0
231

Cabdi Kaafi Hilowle Cusmaan, Xoghayaha Guud ee Maamulka gobolka Banaadir, ayaa sheegay in Maamulka haatan degmooyin ku yaalo gobalka Banaadir ay ka bilaabeen howlo lagu tirakoobayo dadka iyo guryaha ku yaalla degmooyinkaasi si milkiilaha guriga iyo qoyska daggan loogula xisaabtamo wixii ammaan-darro ah ee dhaca. Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in howshan tirakoobka ah ay qeyb ka tahay howlo lagu sugayo guud ahaan ammaanka Magaalada Muqdisho.

“Howshan waxaan ka billownay shan degmo oo gobolka Banaadir ka tirsan, waxaana lagu baahin doonaa degmooyinka kale ee gobolka si ammaanka loo adkeeyo,” ayuu yiri C/kaafi Hilowle oo intaas ku daray in howshan muddo laga baaraan-dagayay.

Degmooyinka howshan laga billaabay ayaa waxay kala yihiin: degmada Xamarjajab, Xamarweyne, Waaberi, Shibbis iyo Boondheere, iyadoo howsha tirakoobka laga billaabay degmooyinka, inkastoo aan la ogeyn xilliga la dhameystirayo.

“Qoysaska guryaha deggen iyo milkiilayaasha guryaha la daggan yahay waxaa laga qori doonaan taleefoonnada, si xaalada loola socdo. Haddii qoys uu ka guuro guri ma dhacayso in markiiba gurigaas la kireeyo, balse waxaa fasax looga qaadanayaa booliiska iyo nabadsugidda, si loo ogaado qoyska gurigaas dagay,” ayuu yiri Hilowle.

Waa markii ugu horreysay oo tirakoob lagu sameynayo degmooyinka Muqdisho tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, muddo hadda laga joogo 21 sano, balse lama oga sida howshan loogu guuleysan karo.

Xafiiska Warqabadka Idale News Muqdisho
Siyaad Macalin Axmed idalenews@yahoo.com