Munaasibad lagu soo bandhigayey Mashaariic shaqooyin loogu abuuray dhallinyaro Soomaaliyeed oo ay MaalgalIneysay hey’adda Wadatashiga iyo Cilmi-Baarista ee CRD, waxaana madasha bandhigga ka ku sugnaa mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen gudoomiyaha Bangiga dhexe ee dalka, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarrinta iyo Adeegga Bulshada, gudoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir ee dhinaca Maalliyadda, dhalinyaradii soo curisay Fikirkan shaqo abuurrista ah iyo dadkii ka faa’ideystay mashaariicda.
Munaasibadda inta ay socotay waxaa lagu soo bandhiggay mashaariicdii shaqooyinka sida ay dhalinyarada uga faa’ideysteen, iyadoo ay khudbado kasoo jeediyeen mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen, gudoomiyaha Bandhigiga dhexe ee Soomaaliya Mudane C/salaan waxa uuna ka dhawaajiyey in uu qeybtiisa ka qaadanayo, maadaama dhalinyarada Soomaaliyeed ay mudan yihiin in la siiyo fursado ay wax ku soo saaraan.
Sidoo kale Gudoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir ee dhinaca Maalliyadda Iimaan Nuur Iikar oo isna goobta ka hadlay ayaa hoosta ka xariiqay in Ganacsatada Soomaaliyeed ay qaataan waajibaadka ka saaran in la abuurro mashaariic Shaqo abuurris ah oo lagu maalgalinayo.dhalinyarada Soomaaliyeed.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta iyo Adeegga Bulshada Soomaaliya mudane Aweys Sheekh Xadaad oo isna dhinaciisa munaasabadda khudbad ka jeediyey ayaa tilmaamay in ay wadaan qorshe lagu saxiixayo Mashruuc shaqooyin loogu abuurrayo dhalinyarada oo ay dowladda Japan ballan qaaday in Soomaailya ay ka hirgalineyso si dhallintu ay uga faa’ideystaan.
Mashruuca Baraarug oo ay ka shaqeysiiyeen 12 dhalinyaro Soomaailyeed ayaa iyana madasha ku soo bandhiggay sida ay usii ballaariyeen hirgalinta Mashruuca Baraarug kaasi oo ay shaqooyin kale ka sii heleen qeybo kale oo loo abuurray shaqooyin kala duwan.
Madaxa hey’adda Cilmi baarista iyo wadatashiga ee CRD Mudane Jabriil Ibraahim Cabdulle oo Munaasabadda khudbad ka jeediyey ayaa uga mahad celiyey dhalinyarada sida Kalsoonida leh ee ay dhalinyaradu uga soo baxeen fulinta mashaariicdan shaqooyinka loogu sameeyey.
Mashruucan ay soo hindiseen dhalinyaro Soomaailyeed isla markaana ay u maalgalisay Hey’adda Wadatashiga iyo Cilmi-baarista ee CRD ayaa noqday mashruucii ugu faa’iidada badnaa ee ay ka faa’ideystaan dhalinyaro Soomaaliyeed, iyadoo hey’addu ballan qaaday in ay sii ballaarineyso Mashruucan kadib markii dhalinyaradu ay muujiyeen Kalsooni dheeri ah oo ay wax ku qabsan karaan dalkana ku horumarrin karaan.
Idale News Muqdisho