Maxkamad ku taala Dalka Masar ayaa amar ku bixisay in mudda Bil ah la xiro Isticmaalka Youtube kadib markii Maamulka Webseedka Youtube ay diiden inay ka saaran Filim lagu af lagaadeynaayo Nabigeen Mohamed Naxariis du shiisa ha ahaate
Garsoore katirsan Maxkamadda oo lagu magacaabo ‘’Xasuuna Towfiiq’’ ayaa ku dhawaaqay amarkaasi lagu xiray Webka Youtube
oo sanadii lasoo dhaafay soo dhex dhigay Filim socday muddo 14-daqiiqo kaasi oo wax loogu dhimay Nabi Mohamed
Filimka lagu aflagaadeynaayo Nabi Mohamed ayaa waxaa sameeyay nin u dhashay dalka Masar oo iminka kunool dalka Mareykanka
Si kastaba ha ahaatee Kacdoonadii looga soo horjeeday Filimka lagu caayay Nabi Mohamed ayaa waxaa la xisaabiyay inay ku dhinteen dad ka careysnaa Aflagaadada oo tiradooda lagu sheegay 70-Ruux kuwaasoo ku kala sugnaa wadamada islaamka.
Idale News Muqdisho