Bosaaso(INO)— Markab iyo labo doonyood ay saaran yihiin in ka badan 2,500 oo qaxooti Soomaaliyeed oo ka soo cararay dagaalada Yemen ayaa saaka ku xirtay magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.
Markab oo dhowaan ka baxay magaalada Muqdisho, isla markaana uu Ganacsade Soomaaliyeed ku deeqay in lagu soo qaado qaxootiga Yemen ayaa 11-kii bishan kumanaan ruux ka soo qaaday Dekeda Mukallah ee dalka Yemen.
Wararka ayaa sheegaya in in Mas’uuliyiinta Maamulka Puntland u qaabilsan dhinaca gurmadka qaxootiga ka soo cararaya dagaalada Yemen ay bilaabeen sidii dadka looga dejin lahaa Markabka, iyagoo baaritaan caafimaad marayay.
Gawaarida gurmadka deg dega ee loo yaqaano Ambalaas-ka ayaa ku sugnaa Dekeda Boosaaso, kuwaasoo gurmad caafimaad u sameeyay dadka xaaladooda ay liiteen.
Dadka saarnaa Markabka ayaa waxaa ku jira dad da’ ahaa oo xaaladooda caafimaad aanay wanaagsaneyn, waxaana dekeda Boosaaso ku sugnaa koox qaabilsanaa gurmadka deg dega ahaa.
Qaxootigan Soomaaliyeed ayaa la filayaa in la geeyo xero ay Puntland ugu tala gashay dadka ka soo cararaya colaada Yemen, waxaana ku jira dad doonaya inay u soo gudbaan deegaanadooda oo ku yaala Koofurta Soomaaliya.
Maamulka Puntland ayaa dadaal xoogan ku bixiyay soo dhoweynta iyo u gurmashada qaxootiga Soomaaliyeed ee ka imaanaya dalka Yemen, waxaana qul qulka dadkan uu ahaa mid muddooyinkii u dambeeyay isa soo tarayay, waxaana xaalad mashquul ah galay Dekeda Boosaaso oo dadkan oo maraakiib iyo doonyo saaran laga soo dejinayay.
Halkan Ka Dhageyso
Idale News Online, Bosaaso