Mariniska dalka Sweden oo ku soo biirayo Hawlgalka Atlanta Operation ee La-dagaalanka Burcad-baddeeda Soomaalida

0
210

ok hhhh

Dowladda Sweden ayaa go;aanstay inay Ciiddamo iyo Maraakiib ku biiriyaan Hawlgalka Ciiddamadda Badda ee Ururka Midowga Europe (The EU maritime Operation) ee ay kula dagaalamayaan Burcad-baddeeda ka qowleysata Baddaha Somalia.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Sweden, Carl Bildt  ayaa shaaciyey inay u qoondeeyeen 260-askari si ay ugu biiraan Hawlglka Atlanta Operation, iyadoo Ciiddamaddaasi bisha April lagu biirin doono Hawlgalkaasi.

“Sweden waxay sida Beesha Caalamka oo kale qaadaysaa mas’uuliyadda iyo inay gacn ka geystaan Hawlgalkaasi’ ayuu sii raaciyey

oklllCiiddamadaasi ayaa waxay ku hawlgeli doonaan Markabka dagaalka ee HMS Cariskrona, Markab kale oo Qalabka Cafimaadka ku rakiban yahay iyo tiro Diyaaradaha Qumaatiga U Kaca.

Hawlgalka Atlanta Operation ayaa bilowday sanandkii 2008-dii, si ay uga hortagaan Burcad-baddeeda afduubta Maraakiibta isaga kala goosha Badda Somalia iyo inay Ciiddamadaasi gelbiyaan Mraakiibta shixnadaha samafalka u wada dalka Somalia.

Idale News Muqdisho