Washington(INO)-War qoraal ah oo kasoo baxay Dowlada Mareykanka ayaa waxaa lagu sheegay in Diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka ay sii kordhin doonaan duqeymaha cirka ah oo ay ku hayaan Saldhigyada Maleeshiyaadka xagjirka ah ee Al-shabaab.
Qoraalka oo ahaa mid kooban ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in mudadii ay Diyaaradahaasi wadeen duqeymaha ay ka gaaren guullo la taaban karo islamarkaana ay Mareykanku dantu ku qasbeyso inay sara qaadaan duqeynta.
Nuqul kamid ah qoraalkaasi oo lagu soo daabacay Baraha Bulshada Hay’adda Ciidamada Cirka ayaa waxaa lagu yiri ‘’Diyaaraduhu kama daali doonaan duqeymaha bartilmaameedka u ah Al-shabaab. wey sii kordhi doonaan muddooyinka soo socda. Waxa ayna ku dul socon doonaan Saldhigyada Al-shabaab kuwooda ugu muhiimsan’’
Qoraalkaani ayaa kusoo beegmaya xili todobaadkii la soo dhaafay uu Mareykanka weeraro loo adeegsaday diyaaradaha aan cidi wadin ee Droneska ay ka fuliyeen koofurta Somalia si ay u taageeraan Ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika sida uu sheegay sarkaal ka tirsan mareykanka.
Inta badan duqeymaha ayaa waxaa muddooyinkaani fulinaayay CIA-da Mareykanka oo xogo macquul ah ka helaaya Talisyada NISA iyo AMISOM kuwaasi oo inta badan Dowladaha reer galbeedka ka caawiya Howlgalada lagu ciribtiraayo Maleeshiyaadka Al-shabaab.
Ujeedada ugu weyn ee weeraradaasi ayaa ah mid looga gol leeyahay imaanshiyaha Madaxweynaha Mareykanka Brack Obama.
Mareykanka ayaa sheegay in weerarada ay yihiin kuwo la doonayey in lagu hakiyo dhaqdhaqaaqyada Maleeshiyaadka Al-shabaab oo inta badan weeraro ku qaada xarumaha Ciidamada Midowga Afrika iyo kuwa DF Somalia.
Dhanka kale, Dowladda Mareykanka ayaa waxaa tababaro ku aadan dhinaca Sirdoonka iyo saadka ay ka taageertaa Ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee jooga Somalia iyo Ciidamada DF Somalia.
Idale News Online, Washington