Mareykanka oo Dowladda Somaliya kaga digay in Doorashada mar kale ay dib u dhacdo

0
260

Nairobi(INO)- Xoghayaha Arimaha Dibada dalka Mareykanka John Kerry oo booqasho ku maraya qaar ka tirsan dalalka Afrika, ayaa kulan gaar ah wuxuu la qaatay Wasiirka Arimaha Dibada Somaliya C/salaan Hadliye Cumar.

Kerry ayaa u sheegay Wasiirka Arimaha Dibada Somaliya Doorashada dadban ee la filaayo in dalka ay ka dhacdo muhiim inay tahay in mar kale uusan ku imaanin dib u dhac, xilli Shirkii ugu dambeeyay ee Madasha Wadatashiga Qaran Dowladda Somaliya loogu daray labo bilood oo xilliga Doorashada la isugu diyaarinaayo.

Wasiir Hadliye oo faah-faahin ka bixinaayay kulankaasi ayaa sheegay in Kerry uu dalbaday heshiiskii ay wada gaareen Madaxda Maamul Goboledyada dalka iyo Madaxda Dowladda Federalka Somaliya ee arimaha Doorashada ku aadan in sidii loogu talo galay uu ku dhaco.

“Waxa uu inoo sheegay in Doorashada muhiim ay tahay in waqtigeeda ay ku dhacdo oo uusan imaanin dib u dhac, gaar ahaan sidii loogu talo galay in loo fuliyo Heshiiskii ay wada gaareen Madaxda Federalka iyo Madaxda Maamul Goboledyada dalka ka jira.” Ayuu yiri Wasiir Hadliye oo la hadlay BBC.

Siyaasiyiinta Xil doonka ah ee ololaha ka wada Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inay ka digayaan in wax ka bedel lagu sameeyo qodobada qaar ee heshiiskii madasha wadatashiga Qaran lagu saxiixay, xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in Soo xulista Xildhibaanada loo deynaayo kaliya Odayaasha Dhaqanka.

Sida qorshaha uu yahay Doorashada Madaxweynaha oo ah tan ugu dambeysa ee arimaha Doorashooyinka ayaa dhaceysa 30-ka Bisha October, balse walaac waxaa jira in Jadwalka Doorashada uu u dhici waayo sidii loogu talo galay.