Maqaal “WAXAY AHEYD MAALIN MADOOW”

0
249

Maalin in badan oo Hooyoooyinka Soomaaliyeed ay ooyeen qaarkoodna asaay saarteen!!!.

By Asad Dhayow

4/10/2011 maalin tallaado ah waxay aheyd maalin aan sina uga goayn quluubta shacabka Soomaaliyeed , waa maalin aan waynay asxaab badan oo qaali ah, maalin si ar xan daro ah loogu gardarooday shacabka Soomaaliyeed,maalin arday Soomaaliyeed gab lameen, waxay aheyd maalin Hooyoooyin badan oo Soomaaliyeed ay ooyeen qaarkoodna ay asaay saarteen.

Maanta oo kale sanadii ina soo dhaaftay magaalladda Muqdisho waxa ay u aheyd maalin mugdi ah (DISMAL DAY) maalinta waxaa qof arxan laawe ah oo watay gaari wax yaabaha qarxa laga soo buuxiyay si bareer ah ulla soo beegsaday Dhismaha Hargaha & saamaha oo ku yaalay Km4 kasoo horjeedka Xarunta CID ee magaalladda Muqdisho.

Maalintan waxaan ku jiray guddaha dhismahaasi illaah mahadii kuma wax yeeloobin marka laga reebo dhaawac yar oo madaxa iga soo gaaray kaasoo ahaa Muraayddaha Bur Burkoodda.

Mar aan nafta lasoo cararay oo aan hoos usoo cararnay aniga iyo asxaab kale oo wada dhiigayay ayaan waxaan aragnay muuqaal ka badalanay kii markii hore aan soo galayay, waardiyii iridka laga soo galayay  joogay oo laba cad noqday, geed weyn oo lagu harsanayay oo dhulka yaalla, dad badan oo arday u badnaa oo holcayo, INNAALILLAAH WAINAALIEYHI RAAJICUUN Markaas ayaa miir igu danbeysay waan shoogay oo arga gaxay waxna waan kala garan waayay, markaas ayaan si xoog ah usoo cararay anoo dhex jiiraya bur burkii, waxaana arkayay dad Hurayo oo gacmaa kor u taagayo.

Markii aan dibadda hore usoo baxay qofkii ugu horeeyay ee aan aqoosado waxa uu ahaa Allah u Raxmadee C/sallaan Sheeq Xsan XIIS oo rabay inuu wareysi iga qaado lkn hadal waan kari waayay kadib anoo dhiig iga dayo waxaan nasiib u yeeshay inaan helo gaari sidiina ayaa isbitaalka madiina la iigu keenay, runtii waxaan ahaa qofkii ugu horeeyay ee dhaqaatiirtu ay caawiyaan, markii aan 5 daqiiqo joogay isbitaalka anoo dhaymo laigu wado ayaa waxaa la keenay dad gubanayo, runtii dhaqaatiirtu aniga waa iska kee illoobeen, waxaan maqli jiray “ FURUQ HADUU YIMAADO  WARAABOOW  WAA FARA KU LEEF” waxaa la iyiri wallaaloow iska bax wax ma qabtide.

Illaah ayaan ku mahdiyaa oo iga bad baadiyay waloow dad badan oo ajashoodda soo dhamaatay ku naf waayeen qaarkoodna dhaawac  halis ah ka qaadeen kuwa  kalena ay ku miir waayeen halka kuwa kalena iyagoo midabkoodda is badaly si Samir iyo dulqaad ah ku noolyihiin.

Ma qayaasi karo wixii meeshaasi ka dhacay maalintaasi saameynta ay igu yeellatay illaa hada hadii ay qalbigeyga kusoo dhacdo waan arga gaxaa, illaah waxaan ka baryaa inuu dadkii ku naf waayay Janadda ugu  Abaal guddo Gardaradii loo gaba gabeeyay.

Inakastoo wali ay magaallada Muqdisho ka taagan tahay islamarkaana wali naga sii dhex guuxeyso tii iyana sidaas oo kale ahayd oo dad rayid ah lala beegsaday  20kii bishii hore   kaasoo ahaa isna mid miidaamin ah kaasoo hoos loogu dhigayay farxada Shacabka  Soomaaliyeed.

Waxaa nasiib daro ah ineey sheegteen Xarakadda Alshaab sanadii hore waliba iyagpp ku faraxsan, kii ugu danbeeyayna sidoo kale waa ay ku faaneen.

Ma aqaano kuwa sidaas wax u gala cadowtinimadda ay u qabaan umadda Soomaaliyeed waxaanse illaah ka baryaa inay ogaadaan in ay wax xun sameynayaan oo aan dan u aheyn adduun iyo aaqiraba,

Ugu danbeyntii waxaan Alle (SW) Ka rajeynayaa in Sanad kan kiisa kale Xaallada Dalkeena oo wax weyn iska badalo, dowladdeena rasmiga ah ay wax weyn ka badasho qalbiyada shacabka oo rajo dhigay, rajadii kusoo celiso, Madax weyne Hassan Sheikh waxaan  ka codsanayaa inuu siyaasad sax ah oo Soomaalinimo ku dhaqo Umadda, Sida hada raaliga loogu yahay noogu muuyiyo wax la taaban karo inshaa Allaah.

W/D Asad Abukar Ali (Asad Dhayow)

Email asaddhayow@gmail.com