Diif (INO)—Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Weerar Xarakada Al Shabaab ay Xalay ku qaadeen Saldhig Ciidamada Kenya ay ku leeyihiin Degaanka ee Dalkaasi Kenya.
Wararka ayaa sheegaya in Xoogaga Al Shabaab ay saacado kooban la wareegeen gacan ku heynta Saldhiga Ciidamada Kenya ee Degaanka Diif.
Weerarkan ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 1 Ruux waxaana sidoo kale ku dhaawacmay labo kale, sida Dadka Degaanka ay u xaqiijiyeen Idaacadda Shabelle.
Ciidamada Kenya ayaa dib ugu soo laabtay Saldhigooda kadib markii sida la sheegay Al Shabaab ay dib isaga baxeen halkaasi.
Xaalada ayaa Saaka deggan waxaana socda howlgallo baaritaano ah oo Ciidamada Kenya ay ka wadaan qeybo ka mid ah Degaanka Diif.
Ilaa iyo hada ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha Militariga Kenya oo ku aadan Weerarkii qorsheysanaa ee Xarakada Al Shabaab ay ku qadeen Degaanka Diif ee Dalka Kenya.
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay