Malala Yousafzai oo ka digtay dib u celinta Qaxootiga Soomaaliyeed ee Kenya

0
330

Nairobi ( INO)-Malala Yousafzai oo u ololeysa Waxbarashada hablaha, kana soo jeeda Dalka Pakistan oo Shalay markeedii ugu horeesay booqasho ku tagtay Xerada Qaxootiga Dhadhaab ayaa waxey ka hadashay khatarta ka imaan karta hadii Gabdhaha Soomaaliyeed dib loogu soo celiyo Dalkooda hooyo.

Malala ayaa shaaca ka qaaday in talaabo wanaagsan aysan aheyn in Dowladda Kenya ay Xerada Dhadhaab ee Waqooyi Bari Dalkaasi ka rarto Gabdhaha Soomaaliyeed ee halkaasi qaxootiga ku ah.

Gabadhan ayaa sidoo kale waxaa ay qeexday in dhibaatada Dalka Soomaaliya ka jirto haatan ay tahay in aysan la heyn Iskuulo ku filan oo ay wax ka baran karaan Gabdhaha ku nool Xerada Dhadhaab ee Dalka Kenya.

Dowladda ayaa wada qorsho ay dib ugu celineyso Boqolaal Kun oo Qaxooti Soomaaliyeed ah kuwaasi oo haatan ku nool Xerada ugu weyn Aduunka ee Dhadhaab.

Sikastaba, Malala Yousafzai ayaa ku guuleysatay abaalmarinta nabadda ee Nobel Peace Prize, waxayna noqonaysaa qofka ugu da’da yar ee haysta abaalmarintaasi.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay