Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon ayaa maanta magacaabey 5 wasiiro dowle iyo 20 wasiir ku xigeen. Taasoo guud ahaan isugeynta tirada golaha wasiirada xukuumada cusub ee Soomaaliya ka dhigeysa 35 xubnood.
10ka wasaaraadood ee horey loo magacaabey ayaa yeelan doona midkiiba labo wasaaradood waxaana magacyada wasaaro dowlayaasaha iyo wasiir ku xigeenada kala yihiin sidaan:
1-Cabdi Farax sheekh C/qadir W/dowladaha madaxtooyada (Beesha 5aad/Reer Aw-Hassan)
2-Dr Maxamed Nuur Gacal W/dowlaha arrimaha dibada (Hawiye- Murursade)
3-Mahdi Maxamuud Cali W/dowlaha arrimaha gudaha (Daarood/Dhulbahante)
4-Maxamed Rashiid Sheekh Daahir W/Dowlaha Maaliyada (Mirifle/Sagaal/Yantaar)
5-Maxamuud Ismaaciil Barqadle W/Dowlaha Horumarinta Iyo Adeega Bulshada (Dir/Gudobuursi)
Magacyada 20ka Wasiir kuxigeen
1-Eng maxamed Aadan Axmed W/kuxigenka arrimaha Dibada (Daarood/Awrtable)
2 Jamaal Axmed Barrow W/ ku xigeebka arrimaha dibada –> Muran ayaa ka taagan(Dir/Biyamaal/ Beesha 5aad/Jareerweyne/Digil/Jiido)
3 Xasan Ibraahim Maxamed W/ku xigen arrimaha gudaha (Beesha 5aad/Ajuuraan)
4 Jaamac Axmed Maxamed W/ku xigen arrimaha gudaha (Dir/Isaaq/HabarJecelo)
5 Maxamed Xasan Aadan W/ku xigen maaliyada (Dir/Sure)
6 Abuukar Xasan Cali W/ku xigen maaliyada (Hawiye/Gaaljecel)
7 Bashiir Maxamed jaamac W/ ku xigeenka horumarinta (Beesha 5aad)
8 Maxamuud Macalin Yaxye W/ku xigeenka hormarinta (Mirifle/sideed/Boqolhore/Disow)
9 Fahmo Axmed Nuur W/ku xigen cadaalada (Beesha 5aad/Reer Xamar)
10 Xasan Maxamed Jimcaale W/ku xigeenka cadalada (Hawiye/Duduble)
11 Nadiifo Maxamed Cusmaan W/ku xigeenka howlaha guud (Hawiye/Baadacade)
12 Cali Shekh Maxamed W/ku xigeenka howlaha guud iyo gaadiika (Digil/ShantaCaleemood/Irdha)
13 Siciido Xasan Cusmaan W/ku xigeenka Qeyraadka (Daarood/Warsangeli)
14 C/raxmaan Maxamed Geedi W/ku xigeenka Qeyraadka (Isaaq/Habar Awal)
15 Axmed Maxamed Maxamuud W/ku xigeenka gaashaandhiga. (Beesha 5aad/Carab Saalax)
16 C/raxman kulmiye Xirsi W/ku xigeenka Gaasgaandhiga (Hawiye/Shiiqaal)
17 C/qadir Sheekh Ismaacil W/ ku xigeenka Ganacsiga (Daarood/Leelkasi/)
18 Maxamed Cali Xagaa W/ku xigeenka Ganacsiga (Dir/Ciise Jabuuti)
19 C/shakuur Cali Mire wasiir ku xigeenka warfaafinta (Daarood/Mareexaan)
20 Ibraahim Isaaq Yaroow wasiir ku xigeenka warfaafinta. (Mirifle/Sideed/Garwaale)