Magaalooyinka KG Soomaaliya Oo Maanta Si weyn Looga Ciiday

0
314

Baydhabo (INO) — Dadweyne kor u Dhaafaya Boqollaal Ruux ayaa maanta isugu soo baxay goobaha lagu damaashaado ee ku yaala Magaalada Baydhabo  si ay uga qayb-galaan munaasabadda Ciiddul-Adxaha oo maalmihii la soo dhaafay diyaar-garowgeedu uu ka socday guud ahaan Degaanada Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Baydhabo

Maamulka gobolka Bay , kan degmada Baydhabo iyo Wasiiro Ka Tirsan Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa dadweynaha kala qayb-galay munaasabadda ciidda,iyadoo salaaddii  Ciidda ee maanta lagu tukaday garoonka kubadda cagta Dr. Ayuub Ee Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay.

“Waxaan hambalyo u dirayaa dhamaan umadda Muslimiinta ah gaar ahaan kuwa gobolka Bay waad la socotaan in amniga wax badan laga qabtay “ ayuu yiri gudoomiiyaha gobolka Bay Mudane Rashiid C/laahi LFC  oo la hadlay dadweynahii garoonka yimid.

“Dadweynaha waxaa laga doonayaa in ay la shaqeeyaan ciidanka amniga Dowlada  KGS  ee sugaya amniga goobaha ay dadku isugu yimaadaan ee magaaladan“ ayuu mar kale yiri .

Qaar kamid ah culumaa;idiinka  Baydhabo oo hadalo ka jeediyay munaasbaddan ayaa ugu baaqay dadweynaha Bay  in ay caawiyaan masaakiinta aan awoodin in ay ciidaan ,xilli magaalada Baydhabo Janaay  ay ku sugan-yihiin boqoaal qof oo  barakacayaal ah.

Ugu danbayn, waxaa si lamid ah maanta looga ciiday magaalooyinka Marka , Xudur , Afgooye Iyo Baraawe Ee Caasimada Dowladda KG Soomaaliya  ,iyadoo la arkayay dadweyne tiro badan oo isugu soo baxay magaalooyinkaas si ay uga qayb-qataan munaasabaddan, mana jirin wax khilaaf ah oo ciidan ka dhashay.

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here