Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in maamulka ku meel gaarka ah ee halkaa ka arrimiya in xalay Baandow ay ku soo rogeen Magaalada Kismaayo.
Baandowgan ayaa la sheegaya inuu yahay mid lagu xaqiijinayo ammaanka magaalada kaasoo ka bilaabanayay Todobadii Fiidnimo ee xalay kuna ekaa Shanta Subaxnimo ee Waaberiga.
Mas’uuliyiinta magaalada ayaa sheegay in Baandowgan uu yahay mid lagu sugayo ammaanka guud ee magaalasdda isla markaana uu qayb ka yahay isu diyaarinta Shirweynaha maamul u sameynta Gobolada gedo iyo Jubbooyinka oo dhawaan halkaa ka dhacaya.
Dadka magaalada ayaa u hoggaansamay Amarkii ka soo baxay Maamulka ka arrimiya Magaalada Kismaayo iyadoona la arkayay Fiidnimadii xalayba in dadku Guryahooda ay ku Xaroodeen iyagoo fulinaya amaradii ka soo baxay maamulka.
Gudaha magaalada ayaa lagu arkayay Ciidamada Maamulka oo Roondeynaya Wadooyinka waa weyn ee magaalada iyagoo si taxadar ka muuqdo isaga gooshayay Magaalada kismaayo ee Gobolka jubada Hoose.
Bishan 24keeda ayaa la filayaa in magaalada kismaayo uu ka dhaco Shirweynaha maamul u Sameynta Gobolada Gedo iyo Jubbooyinka iyadoo iminkana Magaalada ay ku Sugan yihiin qaybo ka mid ah Ergadii Shirweynaha ka qayb galaysey.
Shirweynaha maamul u Samaynta Goboladaas ayaa la filayaa in ay ka qayb galayaan Erggo Tiradooda lagu sheegay in ay gaarayso illaa Shan Boqol oo Erggo kuwaas oo ka kala imaan doona Goboladaas iyo Dalka Dibaddiisa.
Si Kastaba magaalada kismaayo ayaa muddooyinkii u danbeeyay waxaa ka soconayay kulamo kala gooni gooni ah oo looga arrinsanayo qaabkii Maamul loogu samayn lahaa Gobolada Jubbooyinka.
Idale News Muqdisho