Hogaamiyaasha dalalka Ethiopia iyo Kenya Hailamariam Desalegn iyo Mwai Kibaki ayaa maanta magaalada Nairobi ku kala saxiixday heshiis ay ugu yeedheen Special status agreement.Labada hogaamiye ayaa hadalo ka jeediyay munaasbadii saxiixa heshiiska.
‘‘Waxaan ka wadahadalnay sidii aan si wadjair ah uga wada shaqayn lahayn arimaha nabadgelyada iyo xasiloonida khaasatan caqabadaha na horyaala sida argagixisada, budhcad badeeda, tarhiibka sharci darada iyo dambiyada qorshaysan,’’ ayuu yidhi Mwai Kibaki.
‘‘Waxaan hoosta ka xariiqnay inaan si wadajir ah ula dagaalano cid kasta iyo wax kasta oo khatar ku ah amniga gobolka,’’ ayuu mar kale yidhi Mwai Kibaki.
Dhanka kale Raysulwasaare Hailemariam Desalegn oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in Kenya iyo Ethiopia uu ka dhaxeeyo xidhiidh khaas ah.
Hoos ka daawo munaasabadii saxiix heshiiska labada dal iyo khudbadihii ay kala jeediyeen labada hogaamiye