Madaxweyne Xasan Sheekh oo safar ugu ambabaxey dalalka deriska

0
250

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhow ka anbabaxay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho asagoo ku sii jeeda qaar ka mid ah wadamada dariska.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wuxuu tagi doonaa wadamada Jabuuti Kenya iyo Waliba Itoobiya waxaana safarkiisa ku wehlinaya wasiiro ka tirsan xukuumada Soomaaliya.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wuxuu ayaa wuxuu wadamadaasi kula soo kulmi doonaa masuuliyiin ka tirsan dolwdahaasi wuxuuna kala soo hadli doonaa xiriirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo waliba wadamada dariska ah.

Madaxweyne Xasan waa safarkii labaad ee uu dalka kaga baxo tan iyo markii la soo doortay bishii September ee sanadkaan doorshadii ka dhacday magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Xasan Sheekh Madaxweynaha Soomaaliya iyo waliba dolwadiisa ayaa xooga saaraysa amaanka iyo waliba dib u dhiska wadanka iyo la dagaalanka kooxaha ka soo horjeeda dowlada Soomaaliya, waxaana maalmihii ugu danbeeyay socday kulamo isdaba joog ah oo madaxda dowlada ay la lahaayeen laamaha amaanka oo looga hadlayay xaqiijinta amaanka Soomaaliya.

Idale News Muqdisho