Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya 50 guurada Xuriyada Dalka Uganda

0
227

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa in Isniinta maanta ah uu u kicitimo wadanka Uganda halkaas oo uu kaga qeyb gali doono dabaal-degga  50 guurada “Uganda Golden Jubilee” taasoo ka soo wareegtery markii dalka Uganda uu xoriyadiisii ka qaatey boqortooyadii Ingiriiska sanadkii 1962dii.

Sida uu shaaca ka qaaday wasiirka saxaafadda Uganda, Karooro Okurut, madaxweynayaasha 15 dal oo lagu wado inay ka qayb galaan dabaaldegga Uganda waxaa ka mid ah: Rwanda, Tanzania, Burundi, Kenya, Somalia, Democratic Republic of Congo, South Sudan, Egypt, Somalia, Congo Brazzaville, Central African Republic, Malawi, Gambia, iyo Benin.

Dalalka kale ee waftiga u soo dirsanaya waxaa ka mid ah China, UK, South Africa, USA, Nigeria, iyo Sudan.

Waxa kale oo ka qayb gelaya ugu yaraan 10 hay’adood oo caalami ah oo ay ka mid yihiin: United Nations, World Bank, the Commonwealth, European Union, African Development Bank, Aga Khan Development Network iyo East African Community.

 

Xafiiska Warqabadka Idale News Muqdisho
idalenews@yahoo.com