Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka dib ugu soo laabtay kadib markii uu booqasho rasmi ah ku tegey dalka Qadar.
Waxana uu madaxweynuhu soo dhoweeyay go’aanka Golaha Amaanka ee Qaramada midoobay ee ku aadan ka qaadista cunuqabeteynta hubka ee dowladda Soomaaliya .
Fadhi uu maanta yeeshay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxa uu uu goluhu isku raacay in muddo hal sano ah laga qaado cunoqabatayntii saarnayd dalka Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in uu jiro la xisaabtan iyo mas’uuliyad la socoto ka qaadista cunoqabataynta hubka isagoo ku tilmaamay golaha ammaanka mid og isbedelka dalka Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa u mahad celiyay qadarinta iyo fahamka golaha ammaanka waxana uu xusay in dowlada Soomaaliya ay mas’uuliyad iska saari doonto dhammaan sharciyada iyo shuruudaha la socd.
Idale News Muqdisho