Madaxweyne Xasan Sheekh “Khilaaf kama jiro Dowladnimo, Midnimo iyo Sarreynta Sharciga (Daawo Sawirro)

0
229

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay Kalfadhigii labaad ee Baarlamaanka, kaasoo maanta si rasmi ah loo furay, kadib markii uu soo dhamaaday kalfadhigii koowaad, baarlamaankana uu fasax labo bilood ku maqnaa.

Ugu horeyn Madaxweynaha ayaa tacsi u diray eheladii iyo qoyskii ay ka geeriyoodeen Xildhibaanki, ciidamadii iyo shacabkii, isagoo si cad u sheegay in aanay xilligan la isku khilaafsaneyn siyaasada dowladda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa goobta uu khudbad ka jeedinayay xusuus u aheyd, maadaama 18-kii bishii September ee sanadkii hore lagu caleema saaray, isla markaana u aheyd halkii uu doorashada Madaxtinimada ku guuleystay.

“Khilaaf kama jiro Dowladnimo, Midnimo, Sarreynta Sharciga, arimaha Federaalka, Dhisid Ciidan Qaran, Qaadidda Cunaqabateynta Hubka, iyo Deris Wanaag, Xiriir wanaagsan oo lala yeesho dalaka deriska ah, dib-u heshiisiinta iyo Hanti-isucelinta. Nidaam dowladdeed oo Federaali ah ayey dadka Soomaaliyeed ku heshiyeen, Dastuurka ayayna ku cadahay”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

DSC_0834

Madaxeweynaha ayaa goobtaas ka cadeeyay siyaasadda arimaha gudaha iyo tan dibadda, isagoo xusay in is bedelo ay dhaceen tan iyo bishii Agosto ee sanadkii 2012.

“Laga soo bilaabo markii la unkay dowladdan bishii Agoosto ee 2012, waxaa dalka ka dhacay isbedello qiimo leh oo ay ka mid yihiin, Amninga iyo Nabadeynta, dhul ballaaran oo ay horay u haysatay kooxda Al-Shabaab ayey dowladdu xoreysay, deegaano fara badan ayey dowladda xaqiijisay in dhibaato dambe ka dhicin. Magaalo Madaxda ayaa lagu guuleysatay in amnigeeda la xaqiijiyo oo isbaaroyinkii laga qaaday”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo xusuusinayay Baarlamaanka waxqabadka dowladdiisa mudadii lixda bilood ee ay jirtay.

Mar uu Madaxweynuhu ka hadlayey Ciidamada wuxuu sheegay “Ciidamadda Qalabka sida ayaa labo shaqo isku hayo, kuwaas oo kala ah howlgalada nabadgelyo oo ay dalka ka wadaan iyo mid dib u dhis ayaga lagu sameynayo”

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in siyaasada dowladda ay tahay soo celinta heybadii iyo xiriirkii iskaashiga Soomaaliya iyo dibada, isagoo xusay in dalal badan uu booqday, ayna isfaham la soo yeesheen, dalalka uu tagay iyo dalalka deriska.

DSC_0752

“Hadalkeena saldhig wuxuu u ahaa sidii loo abuuri lahaa jawi nabadeed iyo is-faham si wax wada qabsi wanaagsan looga dhex abuuro dhamaan shacabka Geeska Afrika, waxaana dalalkaas uga mahad celinay kaalmada walaalnimo ee ay u fidiyeen walaalahooda Soomaaliyeed”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sheegay in bisha May uu dhici doono shirweyne loo qaban doono Soomaaliya loogana hadli doono arimaha Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa tilmaamay in wada hadaladii Somaliland uu halkiisa ka sii socon doono.

Ugu dambeyn madaxweynaha ayaa u sheegay Xildhibaanada Baarlamaanka inay howl badan u dhiman tahay loona baahan yahay in si wadajir ah loo qabto, si horumarka jira uu faa’ido weyn u keeno Shacabka Soomaaliyed.

DSC_0836

DSC_0796

Idale News Muqdisho