Muqdisho (INO)—Afhayeenka Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya, Daa’uud Aweys oo la hadlayay Warbaahinta ayaa sharaxaad ka bixiyay kulan Muqdisho ku dhexmaray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ergeyga Cusub ee Midowg Afrika ee AMISOM Francisco Caetano Jose Madeira.
Waxuu sheegay Daa’uud Aweys in Danjire Francisco uu balan qaaday dardar gelinta howlaha Midowga Afrika ee AMISOM ay u joogaan Soomaaliya iyo sidii nabad waarta ay ugu soo dabaali la haayeen Dalka Soomaaliya.
Afhayeenka ayaa tilmaamay in Ergayga Midowga Afrika ee AMISOM uu balan qaaday in ay ka taageeri doonaan dhinacyada Siyaasada iyo amniga ee Dalka Soomaaliya, isagoona Francisco carabka ku adkeeyay dhageysiga iyo dhaqan gelinta awaamiirta Madaxda Dowladda Soomaaliya, sida uu sheegay Daa’uud Aweys.
Waa kulankii ugu horeeyay oo Magaalada Muqdisho ku dhexmara Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika ee AMISOM tan iyo markii Xilkaasi loo soo magacaabay.
Idale News Online, Muqdisho