Madaxweyne Xasan oo Ahlu-sunna ugu Baaqay in ay Kaalin ku yeeshaan Maamulka Gobolada dhexe

0
213

Dhuusamareeb (INO) – Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka Codsaday Ururka Ahlu-sunna Waljamaaca in ay ka qeyb Galaan Gogosha Maamulka loogu dhisayo dadka Mudug iyo Galgaduud ee taalla Magaalada Cadaado iskana daayaan Dagaalka iyo Gooni isu taagga.

Teaser Image MD Xasan oo Ahlu-sunna ugu Baaqay in ay Kaalin ku yeeshaan Maamulka G/dhexe

Dagaal hadda iyo wixii ka dambeeya la galo ayuu sheegay in uusan u Habbooneyn dadka Gobollada Mudug iyo Galgaduud ee Go’aansaday in ay Maamulka dhistaan, dadkaas ayey ka mid yihiin mana aha in ay Aabbeyaashood ku Khilaafaan Go’aanada ay uga soo Qaadayaan Gogosha Maamulka lagu dhisayo.

Ururka Ahlu-sunna ayaa Gooni isu taagay sheegayna in uusan ka Warqabin Maamul ay dhisanayaan dadka Gobollada dhexe, xilli qaar ka mid ah Mas’uuliyiintooduna doonayaan in Shirka ay ka qeyb qaataan oo ay Amaanka Halkii ay ka Taagnaayeen ka Istaagaan.

“Mas’uuliyiin Ururkaas ka tirsan oo Badan ayaa Aqbalay in ay ka qeyb qaataan dhismaha Maamulka, Wiilasha hadda diiddan waxaan ugu Baaqayaa in ay Miiska wadahadalka tagaan si looga Gudbo Colaad oo aan Hadda waqtigeeda la joogin” ayuu Hadalkiisa ku daray Xasan Shiikh oo shalay Dhuusamareeb uga dhawaaqay Halka uu ka dhacayo shirka Gobollada Mudug iyo Galgaduud iyo Halka Caasimad u Noqoneysa Maamulka G/dhexe.

Idale News Online – Dhuusamareeb

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here