Madaxweyne Xasan “Al-shabaab kastoo lasoo qabto wasiir ama Xildhibaan ayaa daba socda”

0
226

Muqdisho(INO)- Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in Dowladda ay dhibaato ku qabto ragga Shabaabka ee la soo qabto inay daba ordayaan xubno kale oo isla dowladda ka tirsan oo doonaya in la sii daayo ruuxaasi.

Wuxuu sheegay Xildhibanada, Wasiirada iyo Ganacsatada intuba inay daba ordayaan ruux kasta oo Shabaab ka tirsan oo Hay’adaha ammaanka ay gacanta ku soo dhigaan.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dadka daba orda xubnaha Shabaabka ka tirsan ee la soo qabto inay laamaha ammaanka u madax banaaneysiiyaan baaritaanada lagu sameynaayo.

“Anaga Mushkilad waxaan ku dhignay waan qabiilaysanahay, Shabaab waaye kii la dhaho ee la soo qabto, waa ladaba socdaa, Sheekha reerka, Xildhibaanka reerka, Wasiirka Reerka, Ganacsadaha reerka waa la daba socda, war adiga yaa kuu sheegay inuusan Shabaab aheyn ka leexo waa la baaraa haduu uusan wax dambi ah laheyn waa la soo deynaa oo cid haysanaysa malahan, laakiin hadii dambi lagu helo qaanuunka iyo sharciga noo yaalo ayaa la marsiinaa.” Ayuu yiri Madaxweynaha Somaliya.

Ugu dambeyntii, Dhowr mar ayaa waxaa dhacday Xubno ka tirsan Dowladda Somaliya inay si damiin ahaan ah xabsiyada uga sii daayeen rag ciidamada ammaanka ay soo qabteen, kuwaasi oo lagu eedeeyay inay Shabaab ka tirsan yihiin.