Hargeysa (INO) Madaxweynaha Soomaaliland,Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa ka hadlay arrimo badan oo ay qayb ka tahay doorashada ka dhacaysa dalka dhammadka sanadkan,kaddib markii uu magaalada Hargeysa ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo safiirka midowga yurub u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Michele Cervone D’Urso. iyo ku xigeenka Safiirka Ingiriiska ee Itoobiya, Ms Cat Evans oo ay weheliyaan diblomaasiyiin kale.
Madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlayay doorashada ka dhacaysa Soomaaliya,waxuu sheegay marna inaysan Soomaaliland qayb ka ahayn hab-doorasho oo lugu qabto Muqdisho.
“Waxan mar kale idinku celinayaa in aanay haba-yaraatee Soomaaliland qayb ka ahayn habdoorasho oo ka dhaca dalka Soomaaliya,”ayuu yiri. “Balse waxaan raalli ka nahay inay qabsadaan wixii ay iyaga wax ugu hagaagayaan, ka dawlad Soomaaliland ahaana ay walaalahood la jecel yihiin wanaag iyo jaarnimo, iyaguna ay dhawraan walaalnimada iyo deris wanaaga”, ayuu ku darey hadalkiisa madaxweynaha Soomaaliland.
Waxaa kalo uu sheegay 206 goobood oo gobolka Sanaag ah in si buuxda uga qabsoontahay diwaangelinta codbixiyeyaasha ilaa imikana ay ka socotaa, dadka ku dhaqan gobolkaasi si weyn ayey uga qaybgaleen, aanay soo dhaweeyeen iyagoo jecel in doorashadu si fiican u qabsoonto,waxaase dhawaan gobolka ka dhacay dagaal u dhaxeeya Soomaaliland iyo Puntland oo diidan diwan-galinta ay deegaannada ka waddo Soomaaliland.
Madaxweynaha Soomaaliland,waxaa kalo uu muujiyay sida uu u doonayo dhismaha jidka isku xidha Berbera iyo Itoobiya, wuxuuna sheegay in laga doonayo Midowga Yurub inay qaybtooda ka qaataan, Madaxweynaha oo arrintaa ka hadlayaana waxa uu yiri “10km-na ha ahaatee waxa naga go’an jidka Berbera Corridor oo dhisma, idinkana waxa aanu idinka rabnaa inaad qaybtiina ka qaadataan oo aad weliba dhakhsataan.”’
Ugu dambayn,madaxweyne Siilaanyo waxa uu kala hadlay weftiga doorashada soo socota March 27-2017 inay ka go’an tahay Soomaaliland inay wakhtigeeda ku qabsoonto,isagoo intaa raaciyey in saddexda Xisbi Qaranka wado-hadal uga socdo caqabada qudha ee hortaagan doorashada wakiilada oo ah saami qaybsiga kuraasta golaha wakiilada.
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.