Madaxweyne Shariif Xasan oo Degmada Bardaale kula kulmay Saraakiisha Ciidamada Somalia & kuwa AMISOM

0
236

Bardaale(INO) — Madaxweynaha Maamulka Koonfur-galbeed Somalia, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Shaley ku tagay booqasho Degmada Bardaale ee Gobolka Bay, isagoo Kulammo la Qaatay Saraakiisha Ciidammada Dowladda Somalia iyo Midowga Afrika ee AMISOM.

Shariif Xasan iyo Wafdigiisa ayaa degmada Bardaale ku tagay Diyaarad Nooceedu yahay kuwa Qummaatiga u kaca ee Helicopter, Waxaana Xubnaha Wafdigiisa ka mid ah  Xubno uu dhawaan u magacaabay Maamulka Degmada Bardaale.

Wararka ayaa Sheegaya in Shariif Xasan uu kala Hadlay Saraakiisaha Ciidamada Huwanta ah uu la kulmay Howl-gallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka Socda Gobollada Bakool iyo oo ka mid ah kuwa hoos-yimaada maamulkiisa.

Madaxweynaha Maamulka KMG ah ee Koonfur-galbeed ayaa saraakiisha ciidan ee uu la Kulmay ku boorriyay inay Xoojiyaan Dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab si looga saaro deegaannada ay kaga sugan yihiin Gobollada uu ka taliyo maamulkiisa.

Sidoo kale, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Wafdigiisa ayaa waxay caawa joogi doonaan Degmada Bardaale ee Gobolka Bay, halkaasoo uu kulammo kula yeelan doono Qaybaha kala duwan ee Bulshada Degmadaas.

Ugu dambeyn, Safarka uu Shariif Xasan ku Tagay Bardaale ayaa Imaanaysa Xilli Shalay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay uu ka Furmay Shir looga hadlayo Xulista Xildhibaannada Golaha Baarlamaanka Maamulka uu Hoggaaminayo ee Koonfur-galbeed Soomaaliya.

Si kasta ha ahaatee, Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee Itoobiya ka socda ayaa Toddobaadyadii lasoo dhaafay ka waday Deegaano Gobollada Bay iyo Bakool ka tirsan Howlgallo ka dhan ah Al-shabaab, kuwaasoo lagu Qabsaday Degmada Diinsoor iyo Deegaanno kale.

Idale News Online, Bardaale

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here