Madaxweyne Obama oo khudbad ka jeediyay shirka xisbiga Dimiquraaddiga, weerarayna Donald Trump

0
271

Washington(INO)-Madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama ayaa ka qeyb galay shirka xalay (caawa xilliga Mareykanka) halkaas oo uu ka jeediyay khudbad dhow oo taageero iyo weerar isugu jirta.

Mar. Obama ayaa ugu horreyn tageero aan lasoo koobi karin waxa uu u muujiyay haweeneyda jagada madaxweyne ee xisbigiisa Dimuquraaddiga u taagan ee Hillary Clinton taas oo uu ku sheegay mid aan la heli karin cid la mid ah.

” – Taariikhda inta aan ogahay, lama arag rag iyo dumar cid ka waaya-aragsan kana khibrad fiican Hillary Clinton”, ayuu yiri madaxweyne Obama.

Waxa uu intaa ku daray in Hillary ay jabin doonka ISIS iyada oo aan wax jirdil ah adeegsan, islaamkana kusoo dhaweyneysa dalka Mareykanka.

Hadalada Trump ee naceybka ku saabsan ayuu sheegay in lala yaaban yahay caalamka oo dhan.

” – Runtii caalamka intiisa kale waa uu la yaaban yahay waxa ka khaldan doorashada sanadkan ee Mareykanka ka socota, waana ku jahwareersan yihiin”, ayuu mar kale yiri mr. Obama.

Mar uu hadal ku weeraray musharraxa madaxweyne ee xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ayaa waxa uu sheegay in hadaladiisu ku saleysan yihiin naceyd iyo cabsi islamarkaana aysan xal u aheyn dhibaatooyinka uu sheegayo in ay Mareykanka haystaan.

“Hadaladiisu waxa ay iila muuqdaan kuwo iska horkeenaya dhexdeena, addunkana naga leexinaya”, ayuu yiri mar uu ka hadlayay hadalada Donald Trump.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay