Mandera (INO)—Madaxweynaha Dowladda Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa difaacay qorshaha Dowladiisa ay darbiga uga dhiseyso Xuduudka kala dhaxeeya Dalka Soomaaliya, xili uu booqasho ku tagay Magaalada Mandera ee Dalkaasi Kenya.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa xusay in Darbigaasi uusan saameyn doonin dhaq dhaqaaqa Dadka doonaya in ay galaan ama ka soo baxaan Dalka Kenya, waxuuna ku tilmaamay dhismaha Darbigaasi mid lagu xakameenayo Al Shabaab.
Mr. Kenyatta oo hadalkan ka jeeday Garoon Kubadeed oo ku yaalla Magaalada Mandera ayaa waxuu sheegay in aysan jirin wax qorshe ah oo lagu kala qeybinayo Shacabka Dalalka Kenya iyo Soomaaliya.
Booqashada Madaxweyne Kenyatta uu ku gaaray Magaalada Mandeera ayaa waxaa ku wehliyay ku xigeenkiisa William Ruto, waxaana labada Mas’uul ay ku amaaneen Shacabka Waqooyi sida xaqiijinta amaniga ay ugala shaqeeyeen Ciidamada amaanka.
Mr. Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto ayaa maanta lagu wadaa in ay booqasho ku gaaran Magaalada Wajeer, halkaasi uu Madaxweyne Uhuru ka furi doono mashaariicyo kala duwan.
Sikastaba, Weeraro u badan gaadmo iyo Qaraxyo la dhigay Wadooyinka oo lagu beegsado Xarakada Al Shabaab ayaa waxey ka dhacaan qeybo ka mid ah Gobolada Waqooyi Bari ee Dalka Kenya.
Idale News Online, Mandera