Madaxweynahe Xassan iyo Axmed Silaanyo oo Gowrdhaw kulmi doono

0
211

oioiuytr

Iyadoo uu kulan fashilmay maalintii shalay dhex maray Wafdi ka kala socday Xukuumadda Somalia iyo Maamulka Somaliland ayaa waxaa Gowrdhow la filaaya in magaalada Ankara ee dalka Turkiga ku kulmaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha maamulka Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Galinkii dambe ayey ahayd markii ay Garoonka Duulimaadka Aadan cadde ka duuleen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdi uu hoggaaminayo oo kusii jeeday Magaaladda Ankora ee Dalka Turkiga si ay uga qeybgalaan Kulanka Dalkaasi uga Furmaayo Xukuumadda Somalia iyo Maamulka Somaliland, iyadoona halkaasi ay horay ugu sii suknaayeen Wafdi uu Hoggaaminaayay Silaanyo.

Guddi farsamo oo labada dhinac ka socda ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay ku kulansanaa Turkiga, waxayna u gogol-xaarayeen wadahadallada.

Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari , Guddoomiyaha baarlamaanka Jamhuuriyadda Somalia,oo isaguna shalay so gaaray Magaaladda Muqdisho ayaa Wafdiga Xukuumadda ugu baaqay inay Shirkaasi ka soo hoyiyaan Guulo, isla markaana Wafdiga Somaliland ula dhaqmaan si ay habsami ku jirto, waxa uuna dhanka kale, Wafdiga Maamulka Somaliland ugu baaqay inay ilaaliyaan Qaranka Somalia una diyaar garooban xalinta Siyaasadeed ee Xukuumadda iyo Maamulka.

Kulanka laba Madaxweyne ayaa imaanaya iyadoo maalinimadii shalay uu dhacay Kulan Fashilmay oo u dhexeeyay Xubno ka kala tirsanaa Xukuumadda iyo Maamulka Somaliland kaasoo laga yaabo inuu maanta Fasahaadiyo kulanka la filayo inuu dhex maro Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Silaanyo.

Idale News Muqdisho