Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo u duuley Turkiga

0
197

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka duulay magaalada Muqdisho iyagoo kusii jeeda dalka Turkiga.

Prof  Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehliya R/wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibada, wasiirka maaliyada iyo Qorsheynta, wasiirka wasaaradda difaaca dalka iyo mas’uuliyiin kale.

Wasiirka Arimaha Dibada ee xukuumada Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji Adan oo ka mid ahayd wafdiga madaxweynaha oo warbaahinta kula hadashay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in casuumaad rasmi ah ay ka heleen dowlada Turkiga..

Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka ka sogootiyay R/wasaaraha Soomaaliya Dr Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” afhayeenka Baarlamanka iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf  Xaaji Aadan oo saxaafadda kula hadashay Garoonka ayaa sheegtay in ay casuumaad ka heleen dowladda Turkiga ayna kulamo la qaadan doonaan madaxdaasi.