Ankara(INO)— Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa eedeyn kulul u jeediyay Sarkaal sare oo ka tirsan Milateriga Mareykanka.
Sarkaalkan oo lagu magacaabo Jen. Joseph Votel ayaa ah Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee ugu sareeya kuwa Gobolka ayaa dhaliilay tallaabada Turkiga ku xir xirayo saraakiisha Milateriga ay xumeyn karto wada shaqeynta milateri ee labada dal.
Madaxweyne Erdogan oo ka hadlayay magaalada Ankara ayaa sheegay in Sarkaalka Mareykanka uu la jiro kuwa isku dayay afgambiga, waxaana uu xusay in hadalkiisa uu waxba ka soo qaad laheyn.
Waxaa uu sheegay in dalalka cambaareynaya howl galada ka dhanka ah kuwa afgambiga isku dayay looga baahan yahay inay mahdiyaan sida loo difaacay Dimoqraadiyada ee looga hor-tagay afgambiga.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Turkiga ayaa dhowaan sheegtay in illaa 18 kun oo ciidamada ka tirsan shaqada laga eryay.
Howl galada lagu xir xirayo dadka lagu eedeeyay afgambiga ayaa halkiisa ka sii socda, iyadoo illaa 21 wariyeyaal ah ay ka soo muuqdeen Maxkamad ku taala Istanbul, kuwaasoo lagu eedeynayo inay qeyb ka ahaayeen isku dayga Afgambiga.
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.