Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay qaraxa maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho

0
219

Xasan

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu ka hadlay weerarkii maanta ka dhacay Isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa wuxuu sheegay in weerarkaan uu ahaa mid argagaxiso, sidoo kalana wuxuu sheegay in uu ahaa weerar ismiidaamin ah, balse aanu ahayn mid loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo wadada dhinaceeda lagu sii diyaariyay.

Madaxweynaha ayaa wuxuu kaloo sheegay in qaraxaan uu ku soo aadaayo, maalin kadib markii dib loo furay wadooyinka ku yaala Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa wuxuu sheegay in qaraxaan lala beegsaday wefdi Carbeed, oo Samafalayaal ah, kuwaa oo uu sheegay inay u soo gurmadeen dadka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wuxuu Ururka Al Shabaab uu ku eedeeyay inay mar kasta doonayaan, inay wax yeelo uun u geystaan shacabka Soomaaliyeed.

Idale News Muqdisho