Madaxweynaha Somaliya oo u yeeray Gudoomiyihii Gobolka Baay, oo Magaalada Muqdisho soo gaaray

0
271

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wuxuu u yeeray Gudoomiyihii Gobolka Baay C/Fataax Maxamed Ibraahim (Geeseey).

Gudoomiyaha ayaa wuxuu ka soo horjeestay xil ka qaadis lagu sameeyay, ka gadaal markii xil ka qaadistiisa aan loo marin wax wado Sharci ah, taasoo uu isna uu ka soo horjeestay.

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu wadaa in uu C/Fataax Geeseey uu ku qanciyo xil ka qaadista lagu sameeyay, oo u dhacday si khaldan oo bilaa Sharci ah.

C/Fataax Geeseey oo soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu maanta uu ku sugan yahay Hotel Jazeera ee Magaalada Muqdisho, oo uu ku soo degay.

Madaxweynaha iyo C/Fataax Geeseey ayaa waxay kulan ballaaran ay ku yeelan doonaan Qasriga Madaxtooyada ee Villa Somalia, waxaana lagu wadaa in caawa ilaa habeen dambe ay kulankaan isugu yimaadaan.

Idale News Muqdisho