Madaxweynaha Somalia oo si diiran loogu soo dhaweeyey Uganda

0
231

Madaxweynaha iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo maanta gaarey Uganda ayaa waxaa si diiran Airport Anteppe, ee magaalada caasimada Kampala ku dhoweeyey masuuliyiin sare sare oo dowlada Uganda ka tirsan, waxaa madaxweyne Xasan Sheekh loo sameeyey hab maamuus aad u sareeya, isagoo sidoo kalena salaan sharafka kaga qaatey cutubyo ciidanka dalkaasi ka tirsan.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ahaa Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Jen. Diini, Xildhibaan Faarax C/qaadir iyo Safiirka Somalia ee Uganda Eng. Sayid Axmed Sheekh Daahir oo isagu la socdey diyaarada qaas ah ee Madaxweynaha loo soo direy.

Safarka Madaxweynaha Soomalia oo ah kii u horeeyay ee uu dalka dibadiisa ugu ambabaxo tan iyo markii loo doortay xilka Madaxweynaha Soomaaliya tobankii bishii September, ayaa ka qeyb geli doona Munaasabada 50-guuradii ka soo wareegatay markii Uganda ay qaadatay Xornimada.

Inta uu halkaasi joogo waxaa suurtogal ah in uu halkaasi kulamo kula qaato madaxweyneyaal dhowr ah oo munaasabadaasi lagu casumey gaar ahaa madaxda Kenya, Masar iyo Nigeria, iyo dalka kale oo arrimaha Somalia aad u daneeya.

Xafiiska Warqabadka Idale News Kampla, Uganda
idalenews@yahoo.com