Madaxweynaha Somalia oo maanta ka gudoomay waraaqihiisa aqoonsiga Wakiilka Midowga Yurub Ee Somalia

0
235

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta waxa uu ka Guddoomay warqadihiisa aqoonsiga Safiirka cusub ee Soomaaliya ufadhin doono Midowga Yurub kaasi oo dhawaan lasoo magacaabay.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan uu xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya uu kula yeeshay safiirkaan iyo wafdi uu horkacayay wauu  waraaqahiisa kaga guddoomay warqadaha aqoonsiga ee safiirnimo.

Shirjara’id oo ay si wadajir ah si wadajir ah u qabtay Wasiirka arimaha Dibada Xukuumadii hore C/laahi Xaaji Xasan iyo Safiirka cusub ee Midowga Yurub u fadhin doona dalka Soomaaliya Cervone Diulso ayaa waxay ka hadleed muhiimada ay u leedahay safaaradaan.

C/laahi Xaaji Xasan oo ugu horeen halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in safiirkaan cusub ee Midowga Yurub uu sii xoojin doono xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo 20-sano ee lasoo dhaafay wanaagsanaa.

Safiirka cusub ee Soomaaliya Midowga Yurub ayaa isna dhankiisa sharaxay qorshaha Midowga Yurub ee safaaradan cusub isaga oo xusay in muddo 21-sano kadib uu isaga noqday safiirkii ugu horeeyay ee loosoo magacaabo Soomaaliya.

waxaa markii ugu horaysay oo mudo 21-sano ka dib ah midowga yusub ay safiir cusub u soo magacaabaan Soomaaliya, waxaana ka arintaan ay ku soo adaysaa xili dhowaan la soo dhisay dowlad cusub.

Idale News Muqdisho