Madaxweynaha Somalia oo kulan la qaatey madaxweyneyaasha Itobiya, Kenya iyo Uganda

0
211

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa kulan wada jir ah la qaatay Madaxda dowladdaha Kenya, Ethiopia iyo Uganda ka hor shirkii madaxda waddamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

Shirkan ay wada yeesheen Xasan Sheekh Maxamud, Uhuru Kenyatta, Hailemariam Desalegn iyo Yoweri Museveni ayaa diiradda lagu saaray sidii shirka Kampala uu u noqon lahaa mid miro dhal ah.

Madaxda waddamada Somalia, Kenya, Ethiopia, iyo Uganda ayaa lagu soo qaaday in dowladda Soomaaliya ay horumar ballaaran ka sameysey dalka, hase yeeshee ay jiraan caqabado fara badan oo u baahan in xal guud oo waara loo helo, kuwaas oo ka mid ah sidii Al-Shabaab loo soo afjari lahaa, sidii ciidadamada Dowladda Soomaaliya loogu heli lahaa dhaqaale iyo hubkii ay ku howlgali lahaayeen. Sidoo kale waxey madaxdu isla garteen inay muhiim tahay in AMISOM loo helo tasiilaadkii ay u baahnaayeen si ay amniga iyo kala danbeynta Soomaaliya u soo noqoto.

Kulankii Madaxda ayaa hadda socda oo saacadaha soo socda la soo gabogabeyn doonaa, iyadoo war murtiyeed laga soo saari doono.

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe



Idale News Online