Madaxweynaha Oo Meesha Ka Saaray In Uu Jiro khilaaf Ragaadiyay Doorashada Soomaaliya

0
365

Muqdisho (INO)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa beeniyay in uu jiro wax khilaafaad ragaadiyay doorashada dalka isagoo carabka ku adkeeyay in sidii loogu tala galay ay u qabsoomi doonto.

Xasan Sheekh oo u warramayay Warbaahinta Gudaha ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in aysan jirin kala qeybsanaan , Jamhuuriyadda Soomaaliya isagoo ka codsaday maamullada Xubnaha ka ah ah dowladda Federaalka Soomaaliya  in ay yareeyaan Muranada Siyaasadeed  islamarkaana muujiyaan dabacsanaan iyo Bisayl si loo dar dar geliyo howlaha doorashooyinka, wuxuuna intaas ku daray in Madaxda maamullada looga baahan yahay isku duubni si looga gudbo Xaaladda cakiran iyo ismariwaaga dhanka doorashada ee  u dhexeysa Masuuliyiinta hogaanka u ah umadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shalay xeer Madaxweyne ku dhaqan geliyay hanaanka doorasho ee dalka kadib markii uu sheegay in Baarlamaanka ay isku aragti ka noqon  waayeen ansixinta heshiiskaas oo la horgeeyay.

Mr Xasan Sheekh ayaa ku nuux nuuxsaday in tallaabada uu qaaday uu ugu hiiliyay dalka oo marxalad kala guur ah ku jiro si aanu dib u dhac ugu imaan waqtiga doorashada.

Dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu dhaliilay in ay maareyn kari weysay khilaafyada hareeyay arrimaha doorashada walow kadib cadaadis ka soo food saaray dhanka beesha Caalamka uu Xasan Sheekh shalay go’aan adag qaatay.

Idale News Online, Muqdisho