Madaxweynaha oo mar kale Garoonka diyaaradaha Muqdisho kula kulmay Mas’uul ka socday Mareykanka

0
279

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kula kulmay Madaxa Hey’adda gar gaarka Mareykanka ee USIAD Mr Rajiv Shah.

Kulankan oo ka dhacay qeybta VIB-da ee garoonka Diyaaradaha ayaa waxaa Madaxweynaha kula wehliyay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Faarax Sheekh C/qaadir iyo Agaasimaha Madaxtooyada, waxaana sidoo kale kulanka qeyb ka ahaa Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Amb. James Swan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo markii uu kulanka soo dhamaaday la hadlay Saxaafada ayaa sheegay inay isku afgarteen dhamaan waxyaabihii ay ka wada hadleen, waxaana uu xusay inay rajeynayaan in qaabka gar gaarka Soomaaliya wax laga bedelo, maadaama dowladda Soomaaliya ay ka baxday KMG.

“Waan soo dhaweynayaa xiriirka iyo saaxibtinimadda waana ugu mahadcelinayaa go’aanka dowladda Maraykanka ay qaadatay ee ku aadan Soomaaliya”ayuu yiri Madaxweynaha.

IMG_3773

Madaxweynaha, ku war-geliyay masuulka ka socday dowladda Maraykanka in Soomaaliya ay hadda diyaar u tahay in laga caawiyo dhinacyo badan, sida waxbarashadda iyo caafimaadka oo qeyb ka ah lixda tiir siyaasadeed ee dowladda.

Sidoo kale Madaxa USAID Rajiv Shah ayaa sheegay in Soomaaliya ay ugu deeqayaan ilaa 20-milyan oo doolar, si ay wax uga qabtaan adeegyada bulshada iyo gar gaarka bani’aadanimada.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa isna Madaxa USAID Rajiv Shah kulan gaar ah la qaatay, waxaana kulanka kula wehliyay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibada Fowziyo Yuusuf.

Labo maalin ka hor waxaa magaaladda Muqdisho soo booqday Congressman Keith Ellison oo ka socday dowladda Maraykanka, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu Senator-kaas kula kulmay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Dadka odorasa siyaasada ayaa sheegaya inay aheyd in Mas’uuliyiintan heerkooda hooseeyo in Madaxweynuhu ku qaabilo Madaxtooyada Qaranka, ama ay aheyd in wakiilo ama ergooyin uu u diro si ay ula kulmaan, hadii aysan garoonka diyaaradaha Muqdisho soo dhaafeyn.

 

IMG_3812

IMG_3775

Idale News Muqdisho