Madaxweynaha oo Maanta u duulaya London iyo abaabulka Mudaaharaadyo baaxad weyn oo Beelaha Soomaaliyeed ay dalkaasi ka wadaan

0
212

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminaayo ayaa la filaayaa manta inuu ka ambabaxo magaalada Muqdisho isagoo ku sii jeeda magaalada London oo uu ka furmi doomo shir ay Somalidu leeyihiin oo ay dowlada Ingiriiska ugu baaqdey Somalida bishaaan May 7deeda.

SafarkaMadaxweynaha

Dhanka kale, waxaa guud ahaan dalka Ingiriiska ka socda abaabulo balaaran oo ay wadaan dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaasi oo ay kaga soo horjeedaan siyaasada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyagoo qaar  dadkaasi oo Idale News Online ay wareysatey u sheegey iney ka cabanayaan in Madaxweynuhu hareer marey Dastuurkii iyo nidaamkii awood qeybsiga dadka Soomaaliyeed ku soo heshiiyeen, dowladaan uu garwadeenku ka yahay Madaxweyne Xasan Sheekna ay dhagaha ka fureysatey baaqyada uga imaanaaya bulshada Soomaaliyeed iyo xildhibaanada dowladdiisa oo dhowr jeer oo hore madaxweynaha kala hadley inuu ixtiraamo sharuucda dalka ee uu u dhaartey isla markaasna si cadaalad ah oo siman beelaha wax loogu qeybiyo .

Shirka Soomaalida ee London ayaa waxaa horey u qaadacey maamulka Somaliland iyo Puntlaand oo sheegey ineysan diyaar u ahayn in ey iyagu ka qeyb galaan. Waxaana sii kordhaaya mucaarada dadka Soomaaliyeed u hayaan dowlada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, taasoo ay ku tilmaameen in iskooxeysi iyo qabaa’ilo si gaar ah ay ula wareegeen taladii dalka, isla markaasna dowlada aysan isku howlin wax ka qabashada amniga iyo hergelinta federaalka dalka.

Idale News Muqdisho