Madaxweynaha oo kulan la qaatay R/wasaare ku xigeenka dalka Turkiga

0
208

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta la kulmay wafdi ka socda dalka Turkiga oo uu hogaaminayey Raiisal Wasaare ku xigeenka dalka Turkiga Mudane Bekir Bozdag . Mudane Bozdag  waxaa weheliyey Wasiirka Horumarinta dalka Turkiga Mudane  Cevdet Yilmaz waxayna kusoo booqdeen xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.

Waxaa kulankan ka qeyb-galay Raisul Wasaare ku Xigeenka ahna Wasiirka ariimaha Dibadda Marwo Fowziya Yusuf Aadan, Wasiirka Maaliyadda Mudane Maxamud Xassan Suleyman, iyo Wasiirul-Dowlaha Madaxtooyadda Mudan Faarax Sheekh Cabdulqaadir.

Kulankan ayaa Madaxweynaha iyo R/wasaare ku Xigeenka ka wada hadleen arrimo la xiriira Horumarinta, Amniga iyo Mashaariicda Dowladda Turkiga ay ka wado dalka Soomaaliya.

Kulankan  kadib ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh iyo R/wasaare ku xigeen Bozdag ay si wadajir ah u qabteen shir Jaraaid halkaas oo ay la hadleen Saxaafadda.

Madaxweynaha ayaa u mahadnaqay shacabka iyo dowladda Turkiga sida hagar la’aanta leh ee ay ugu soo gurmadeen walaalahooda Soomaaliyeed iyo sida ay dowladda Turkigu diyaarka ugu tahay dib u dhiska Soomaaliya.

Howlaha ay dowladda Turkiga ka wado gudaha Soomaaliya ayaa qeyb ka ah “Lixda Tiir Siyaasadeed“ ee aragtida Madaxweynaha oo loogu horseedayo dalka Soomaaliya Nabad iyo Horumar.

Idale News Muqdisho