Madaxweynaha oo ku amray Hey’addaha ammaanka inay soo qabtaan kooxihii dilay Xildhibaanka

0
220

Muqdisho(INO)— Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyey geeridii Xildhibaan Marxuum Maxamed Axmed Gurxan oo ka mid ahaa Mudanayaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo caawa fiidkii u geeriyooday dhaawac saaka Muqdisho loogu geystay.

War saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada ayaa waxaa Madaxweynuhu tacsi ugu diray qoyska iyo qaraabada marxuumka iyo sidoo kale Baarlamaanka Federaalka iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed isaga oo EBBE uga baryey marxuumka inuu Jannadii Fardowsa ka waraabiyo.

” Inaa Lilaahi wa inaa Ilaahi raajicuun, EEBE Jannadii Fardowsa haka waraabiyo Marxuum Maxamed Axmed Gurxan ,sabar iyo iimaan Allaah haka siiyo ehaladiisa, qaraabadiisa iyo dhammaan Umadda Soomaaliyeed . Waa geesi shahiiday oo naftiisa u huray u shaqeynta iyo badbaadinta ummadda iyo qarannimadda Soomaaliyeed, ” ayuu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha ayaa ku amray hey’adaha ammaanka inay gacanta ku soo dhigaan kooxihii ka dambeeyay dilka Xildhibaanka ee baxsaday markii ay weerarka fuliyeen

Shador Haji
Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyadda
E-Mail: shadorhaji@presidency.gov.so

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here