Madaxweynaha Masar Mohamed Morsi oo ka noqdey wareegtadii awooddaha dalka kula wareegay

0
213

Madaxweynaha Masar ayaa u muuqda inuu tanaasul u sameeyey shacabkiisa Masar oo si weyn uga horyimid go’aankii uu qaatay 22kii bishii November ee uu ku balaarinayey awooda Xafiiskiisa, isla markaana asagoo wareegtooyinkaasi ku sheegay in Garsoorka aysan ka horimaan karin go’aamada kasoo baxa Xafiiskiisa.

Inkastoo Madaxweyne Morsi uu dib uga noqday go’aankiisii hore ee la xariiray Awoodiisa, ayuu hadana sheegay inuusan waxna ka qaban karin wakhtiga loo qabtay qaadista Aftida Dastuurka cusub oo ku beegan 15 bishan December.

Madaxweyne Morsi ayaa balan qaaday in hadii shacabka ay diidaan Dastuurka cusub ee aftida loo qaadi doono, in Guddiga soo qoraya Dastuur kale oo cusub uu noqon doono mid ay Shacabka doorteen balse uusan noqon mid ay magacaabaan Baarlamaanka sida hada dhacday.

Go’aanada cusub ee kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha Masar ayaa ah mid lagu qaboojinayo xiisada ka dhalatay dalkaasi oo ay dad ku dhinteen, kadib markii ay gacanta isula tageen mucaaridka kasoo horjeeday go’aamadii hore uu qaatay Madaxweynaha iyo waliba taageerayaasha xisbiga Akhwaan Muslimiinka.

Kooxaha Mucaaradka ee ayaa go’aankaan cusub ee uu awoodiisa dheeriga ku joojiyey ayaan weli ku qancin waxayna sheegeen in ay wadooyinka sii joogi doonaan ilaa inta laga la joojinaayo afdi dastuurka loo qaadaayo ee madaxweynuhu u mudeeyey bishaan December 15 keeda, taasoo mucaaradka waaweyn sheegeen in aysan ogolaan doonin afti loo qaado dastuurka cusub  ee dalka Masar oo ay soo diyaariyeen guddi ay ku sheegeen inuu yahay hal dhinacs sidaasi darteedna aysan u arkin mid dhexdhexaad ah.

Dhanka kale waxaa maanta oo Axad ah ay ciidamada Masar bilaabeen inay labo darbi oo waaweyn ka dhisaan bartamaha jidadka ama wadooyinka taga xarunta Madaxtooyada si halkaasi looga illaaliyo inay markale soo galaan dadka mudaharaadaya.

Iska horimaadyo todobaadkan ka dhacay banaanka hore ee Madaxtooyada oo ay ku dagaalameen mucaaridka iyo muxaafidka taageerayaashooda, ayaa waxaa ku dhintay 7 qof.

Idale News Muqdisho