Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Oo Gaarey Dalka Jabuuti

0
208

Jabuuti((INO/Agency) — Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Dowlada  KoonfurGalbeed Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aaden  ayaa goor-dhow ka dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Jabuuti Ee Dalka Jabuuti, halkaa oo si diirran loogu soo dhaweeyay.

shariif xasan oo jabuuti gaarey

Madaxweynaha Shariif Xasan iyo wafdigiisa ayaa waxaa soo dhaweeyay mas’uuliyiin  ka tirsan Dalka Jabuuti iyo wasiiro, iyadoo loo qaaday dhinaca madaxtooyada Jabuuti.

Booqashada  Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ah tii ugu horreysay ee uu ku tago Magaalada Jabuuti  tan iyo markii loo doortay xilka madaxweynenimada ayaa wararku waxay sheegayaan inay tahay mid uu ku doonayo inuu Dowlada Jabuuti Iskaashi kula sameeyo.

Madaxweynhe Shariif Xasan Sheekh Aaden oo horay uga tirsanaa xildhibaannada baarlamaanka ayaa loo xilka madaxweynaha Dowlada Koonfur-galbeed loo doortay 17-kii bishii hore ee November ee sanadkii Tagey, kaddib muran iyo buuq badan oo sameynta maamulkan ka dhashay, isagoona inta badan lagu eedey in waqtigiiu uu ku dhameystey Safaro.

Ugu dambeyntii, Sida la sheegaya in wafdiga ay la kulmi doonaan mas’uuliyiinta Dalka Juabuuti, inkastoo aan weli la ogeyn sida  La sheegayo inta maalmood ee ay qaadan doonto booqashada uu Shariif Xasan ku tagay  Magaalada Jabuuti.

Idale News Online, Jabuuti

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here