Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo dalbaday in laga gacan-siiyo dhimasha ciidamada Booliiska

0
229

Baydhabo(INO) — Madaxweynaha Koonfur-galbeed Somalia, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ku baaqay in laga taageero maamulkiisa dhismaha iyo tababarka ciidamada booliiska si loo adkeeyo amniga deegaannnada uu maamulkiisu ka taliyo

shariifka iyo AMISOM.

Shariif Xasan ayaa sheegay in ciidamada booliisku ay yihiin laf-dhabarta amniga dalka oo dhan, sidaa awgeedna ay ka maamul ahaan u baahan yihiin ciidammo booliis ah oo awood leh si ay amniga guud ee deegaannada maamulkiisa u hantaan.

Madaxweynaha Dowlada Koonfur-galbeed ayaa hadalkaan ka sheegay tabbabar uu u soo xirayay ciidan booliis ah oo lagu tababarayay degmada Baydhaba ee xarunta gobolka Bay.

Ciidanka tababarka loosoo xiray ayuu kula dardaarmay in deegaannada Koonfur-galbeed ee la geeyo ay ka dhigaan ammaanka, isla markaana ay wada-shaqeyn la yeeshaan dadka deegaannadaas ku nool.

Dhanka kale, Dowlada Koonfur-galbeed ee Somalia oo sannad jirsaday ayaan weli lahayn ciidammo booliis ah oo ku filan, iyadoo ciidammo badan ay haatan tababarro uga socdaan xeryo ku yaalla gobolalda Bay iyo Bakool tababarro.

Ugu dambeyn, Dowlada Koonfur-galbeed oo ka taliya gobollada Shabeellada Hoose, Bay iyo Bakool ayaa waxaa dhawaan madaxweynahooda lagu weeraray waddada u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye, inkastoo uusan khasaare kasoo gaarin qaraxaas.

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here