Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqdey Baidoa, isla maantana dib ugu soo laabtey Muqdisho

0
235

Waxaa magaalada Baydhaba ee Xarunta Gobalka Bay gaarey wafdi balaaran oo u hoggaaminaayo Mudane Xasan Sheekh Maxamed, kuwaasoo u kuurgalaaya xaalaga amni ee ka jirta magaalada. Wafiga Madaxweynaha waxaa si diiran Airport Magaalada Baidoa ku soo dhaweeyey masuuliyiinta gobalka, saraakiisha Ciidamada iyo dadweyne gobalka oo taagtaa banaanka Airport Baidoa.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa waxay  kormeereen xarun uu tababar uga socdo ku dhowaad sadax kun oo ciidan waxa uuna Madaxweynaha ciidamada u balan qaaday in ay si joogto ah u qadanayaan mushaarkooda isagoona kula dardaarmay in ay difaacaan dalkooda hooyo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarunta Madaxtooyada Gobalka  kula hadley masuuliyiinta iyo shacabka reer Baidoaisagoo ugu horeyntii uga mahadceliyey soo daweynta diiran, waxuuna kula dardaarmey ay xaquuqdooda iyo mushaaraadka ciidanka iyo kan maamulka gobalkaba heli doonaan balse waxuu ka codsadey in ay isbedelka cusub taageeraan si Dowladda Federaalka Soomaaliya u higsato ujeedooyinkeeda muddada 4ta sano ee soo socoto, dalku una u gaaro horumar iyo cadaalada dadka oo dhan gaarta.

Madaxweynaha  ayaa sidoo kale warbixin kaga dhageystey masuuliyiinta gobalka, waxaana kulankaas ka dib saxaafada hadal kooban siiyey Gudoomiye ku-xigeenka degmada Baydhabo Sandheere Maxamed Iftiin  oo sheegey in ka wada hadleen in sii xoojinta amniga gobalka iyo wada shaqeyntabuuxda oo 2da dhinac yeeshaan.

Magaalada oo amaankeeda aad loo adkeeyey maanta ayaa haddana waxaa jirtey in kooxo hubeysan ay dil u geystaan  nin ganacsade Dukaanle ah gudaha Xaafada Bardaale ee Degmada Baydhabo. Kooxdii dilkaas geysatey ayaa la sheegey iney baxsadeen, ciidanka ammaanka magaalada oo soo gaarey goobta ayaan dilkaas cidna u qaban, balse sheegey in lagu daba jiro sharciga la horgeyn doono marka gacanta lagu dhigo.

Waa markii ugu horeeyey ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu booqasho ku tago Goballada dalka tan iyo markii loo doortey inuu noqdo Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya bishii September 10keedii, waxaana la sheegayaa in madaxweynuhu isla maanta galinka dambe uu dib ugu soo laabto Magaalada caasimada Muqdisho si uu u dhameystiro howlaha wadatashiga una magacaabo Ra’iisul Wasaare ay yeelato Dowladiisa, sida sharciga tilmaamaayana ay uga harsan tahay wax ka yar 8 cisho.

Idale News Online Muqdisho
idalenews@yahoo.com