Baydhabo(INO)-Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa Wareegto ka soo saarey dhulalkii iyo Guryihii hore oo ay lahayd Dowladii dhexe Ee Soomaaliya Ee ku yaallaan Koonfur Galbeed Soomaaliya, kaasoo 25 sano ee la soo dhaafey ay degnaayeen Dad Shacab ah.
Gudoomiyaasha Gobolada iyo Degmooyinka, Taliyaasha Ciidamada Booliska iyo Daraawiisha Ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa la ogaahiyey wareegtadaasi.
Wareegtada Madaxweynaha Ayaa looga amarey dadka degan Dhulka Dowlada inay isaga baxaaan Mudo 30 maalmood gudahood isla markaana waxaa wareegtadu lagu xusey in dhulalkaasi ay u baahan tahay Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
“Dhamaan shacabka Degan Dhulalkii iyo guryihii ay lahayd Dowladii Dhexe soomaaliya, isla markaana si sharci daro ah ay ku deganaayeen 25 Sano ee La Soo dhaafey waa in ay ka baxayaan, waxayna qabaa mudo bal ah, dhulalkaasi waxaa u baahan dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya, waana hanti dadweyne cidna ma taabsan karto, cidii ka dhega adeegto wareegtadani waxa la hor geyn doono sharciga” ayaa lagu yiri wareegtada Madaxweynaha koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh.
Sidoo kale wareegtada Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa looga digey dadka haysta guryaha Dowladii hore ee soomaaliya,inay sameeyaan Amar diido, isla markaaan Qofkii ku kaco arintaasi la la tiigsan doono Sharciga cadaalada Ee koonfur Galbeed Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaatee, wareegtadani ayaa waxay ku soo begmeysa xilli bil ka hor uu Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Ee Koonfur Galbeed Soomaaliya Maxamed Xasan Fiqi uu wareegto ka soo saarey Xurumihii iyo beerihii wasaaaradda beeraha Soomaaliya Ay lahayd Ee ku yalaan KGS in la baneeyo taaso weli aysan dadku dhaga jalaq u siinin amarkaasi.
Ugu dambeyntii, waxaa jiro Guryo iyo dhulal badan oo ay la hayd Ee Jamhuuriyadii hore Dimuqraadiga Ee Soomaaliya (JDS), isla markaan 25 sano ah ay iska deganaayeen dad shacab ah kuwaaso qaar ka mid ah loo sameeystey Sabar logo.
Idale News Online, Xafiiska Baydhabo
Email: Baashaa@www.idalenews.com