Muqdisho(INO) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta sheegay in xukuumadda Iiraan ay falal ammaanka iyo xasiloonida Soomaaliya lagu car-qaladeynayo faraha kula jirtay, taas awageedna ay Dowladda Federaalka Somalia xiriirkii siyaasadeed ugu jartay.
Xukuumadda Somalia ayaa Khamiistii lasoo dhaafay si rasmi ah u shaacisay inay xiriirkii siyaasadeed u jartay dowladda Iiraan, kaddib dowladda Saudi Arabia ay u jartay xiriirka dalka Iiraan toddobaadkii aynu soo dhaafnay.
“Dowladda Iiraan oo ka faa’iidaysanaysa marxaladda adag ee waddankeennu ku jiro, ayaa waxay dooneysay inay fitno dhanka caqiiddada ah ku beerto dalkeena, taasoo dhibaato ku noqon karta nabadda iyo xasiloonida Qaranka. Markaan dul-qaadyo badan muujinay, isla markaana aan helnay caddeymo ku filan falalka ay faraha kula jireen, ayaan go’aansannay inaan xiriirka u jarno, si aan ugu tuurno dalka iyo shacabka u ooman nabadda,’’ ayuu yiri madaxweynaha Xasan Sheekh.
Sidoo kale, madaxweynaha Somalia ayaa beeniyay wararka dacaayadaha ah ee sheegaya in sababta ay Soomaaliya xiriirka ugu jartay dalka Iiraan ay la xiriirto xurgufta siyaasadeed ee dhex-taalla boqortooyada Sacuudiga iyo xukuumadda Tehran.
“Dacaayadaha ku saabsan inaan taageerada Saudi Arabia awgeed aanu xiriirka ugu jarnay dowladda Iiraan sax ma ahan. Muddo ayaan si hoose dabagal ugu haynay dhaq-dhaqaaqa saraakiil reer Iiraan ah oo madhabta Shiicada ku faafinayey dalka Somalia. Saraakiishaasi waxay horay hawlo noocan ah ay kasoo qabteen dalal kale oo . Haatanna waxay doonayeen inay dalkeena fitno taa la mid ah ka abuuraan. Alle mahaddii xog buuxda ayaan ka helnay, waana ka tashanay, inagoo eegayna danta qarankeena’’.
Ugu dambeyn, inta badan wadamada Muslimka ah ee calaamka ayaa xiriirkii u jaray dalka Iiraan, kaddib markii xurguf siyaasadeed ay soo dhex-gashay dalalka Iiraan iyo Sucuudiga, taasoo ka dhalatay markii xukuumadda Saudi Arabia ay ku fulisay dil toogasho ah wadaad Shiico ah oo lagu magacaabi jiray Sh. Nimr Al-Nimr.
Idale News Online, Muqdisho