Madaxweeynaha dalka Mareeykanka Mr.Barack Hussein Obama ayaa mar kasta waxa uu la soo shir tagaa arimo badan oo uu kaga qoslin karo Shacab weeynaha dalka Mareeykanka kuwaas oo intooda badan u arko Madaxweeyne Qosol badan oo aanan ka xishoon arimaha u qaaska ah.
Hoos Ka Daawo Muuqaalka uu yeeshay Madaxweynaha
[vsw id=”k2qZIhNkE8Q” source=”youtube” width=”425″ height=”344″ autoplay=”no”]
Xaflad ka dhacay Aqalka Cad ee looga taliyo dalka Mareeykanka ee White House-ka ayuu madaxweeyne Obama waxa uu tusay marti Sharaftii iyo dadkii Xafladaas ka soo qeeyb galay Jarmo cusub kaas oo sheegay inuu dhanka Timaha isku ekeeysiiyay qaabka ay Timaha u jarato Xaaskiisa Michelle Obama.
Dadkii Xafladaan ka soo qeeyb galay ayaa mar quraa Qosol la dhacay mar alaale iyo markii ay arkeen Madaxweeyne Obama qaabka uu Timaha u soo jartay.
Madaxweeynaha dalka Mareeykanka Mr.Barack Hussein Obama ayaa waxaa loo qiray inuu yahay Madaxweeyne qabsaday ama degay dhegaha Shacabka dalka Mareeykanka kaas oo mar kasta u keena wax ka yaabiya ama ka qosliya.
Idale News Muqdisho



