Garisa(INO)- Madaxda Somalida ee dalka Kenya, ayaa ku hanjabay inay maxkamad soo saarayaan Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga dalka Kenya Joseph Nkaissery.
Guddoomiyaha Magaalada Gaarisa Nadiif Jaamac Xildhibaan Max’ed Daahiye iyo Xildhibaan C/Qaadir Aadan oo laga soo doorto Waqooyi Bari Kenya ayaa si isku mid ah waxa ay u sheegeen in maxkamad ay la tiigsanayaan Wasiirkaasi.
Sababta maxkamada ay ula tiigsanayaan ayaa waxa ay ku sheegeen in Wasiirka uu ku dhaqmaayo arimo Sharcidaro ah, islamarkaana uu sameynaayo u xaglinta dadka Kenyan-ka ah ee ku jira Xeryaha Dhadhaab ee dalkaasi.
Madaxweynaha dalka Kenya ayaa horay u amray dadka Kenyan-ka ah ee Xeryaha Qaxootiga ku jira, islamarkaana iska dhigaya dadka Qaxooti ah in halkaasi laga saaro oo ay qaataan Kaarka Muwaadininimada, maadaama ay yihiin dad u dhashay dalkaasi.
Iyadoo amarkaasi uu jiro, ayaa Wasiirka Amniga Kenya waxaa la sheegay intii uu dadka Qaxootiga Kenyan-ka ah halkaasi ka saari lahaa inuu siinaayo kaarar Aqoonsi ah oo ku aadan inay Qaxooti ku yihiin Xeryaha Dhadhaab, halka kuwa Somalida ahna uu u diidaayo.
Arintaasi ayaa waxaa si adag uga carooday Madaxda Somalida dalka Kenya, waxaana Guddoomiyaha Magaalada Mandhera, Nadiif Jaamac uu sheegay inaysan u dulqaadaneyn arintaasi.
Wuxuu ku hanjabay in sharciga ay la tiigsanayaan Wasiirka Amniga dalka Kenya, si arintaan isla xisaabtan dhab ah loogu sameeyo, maadaama Wasiirka uu doonaayo dadka Somalida ah in laga eryo Dhadhaab, taa bedelkeedana ay ku noolaadaan dadka Kenyan-ka ah.
Xildhibaan Max’ed Daahiye iyo Xildhibaan C/Qaadir Aadan oo laga soo doorto Waqooyi Bari,ayaa Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR,ka codsaday in ay dabagal deg deg ah ku sameyso Dadka Kenyaanka ah ee la siiyay Kaararka Qaxootinimo ee cusub iyada oo kumanaan Somali ah oo Qaxootinimo u diiwan geshay ay Kenya ku cadaadineyso in ay ka guuraan xerada.