Hogaamiyeyaasha Maamulada Dalka oo Muqdisho ku sugan iyo shirkii ugu dambeeyey ee Madasha Qaran oo la filaayo inuu furmo

0
183

Mogadishu, Idale News ONline ( INO) – Waxaa magaalada caasimada dalka Soomaaliya ee Muqdisho gaarey Madaxda Maamul goboleedyada dalka isla markaasna ka mid ah hogaamiyeyaasha Madasha qaran, kuwaasoo halkaasi ku leh shirkoodii ugu dambeeyey ee arrimaha doorashooyinka Somalia ee 2016.

Dhamaan Madaxweyneyaasha maamulada Jubaland, Koonfur Galbeed, Puntland, iyo madaxweyne ku xigeenka GalMudug ayaa haatan ku sugan Xamar, waxaana ajandaha ugu weyn ee horyaala uGu horeeya mudaynta xilaga ay dhaceyso doorashada xildhibaanada labada aqal, tan Madaxweynaha Dalka iyo dhageysiga Warbixinta guddiga loo xilsaarey ka soo talabixinta maqaanka Magaalada Muqdisho.

Lama oga ilaa iyo hadda in ay madaxdu heshiis ku yihiin muddada guddiga Doorashada Heer Federaal u qabteen doorashooyinka oo la sheegaayo ilaa bisha December ee sanadkaan in ay isla qaadan doonaan iyo  in wax ka bedel hogaamiyeyaashada Madasha ku sameyn doonaan,  hase ahaatee, warar idale News Online, ka soo xigatey ila lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaaya in hal bil ama uGu badnaan 2 bilood la isla qaadan doono, isla markaasna la yareyn doono tirada ergada soo xuleysa barlamaanka, lana  gaarsiin doono kala bar tii hore loo qorsheeyey.

Shirka Madasha oo maalinta Arbacada (August 3deeda) si rasmi u furmi doona isla markaasna ah kii ugu dambeeyey ay hogaamiyeyaashu maamulada dalka yeeshaan ayaa socon doonta ilaa 5ta bishaan, iyadoo dushana ay ka eegi doonaan beesha caalamka si ay uga qeyb noqdaan xalinta khilaafka siyaasadeed ee ka imaan kara shirka gaar ahaan qodobada quseeya maqaanka Muqdisho iyo muddo kordhinta doorashada qaran ee 2016.

Xafiiska Warqabadka Idale News Muqdisho.