Taliska Hay’ada Nabadsugida Dowladda Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigay wiil dhalinyaro ah iyo hub ay sheegeen inay kasoo qabteen Magaalada Muqdisho.
Taliyaha Hay’ada Nabadsugida Dowladda Soomaaliya Khaliif Axmed Ereg oo la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu sheegay in ciidamada Nabadsugida Dowladda Soomaaliya ay ugu suuragashay inay gacanta kusoo dhigaan ragani xogo ay ka heleen Degmada Dayniile.
Khaliif Axmed Ereg Taliyaha ciidamada nabadsugida Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in wiilka lasoo qabtay laga soo qabtay xaafada gubta ee Degmada Dayniile halkaasi oo xalay ciidamada Nabadsugida Dowladda ka sameeyeen Howgal ballaaran Xaafadaasi.
Taliyaha ayaa sidoo kale wuxuu sheegay inay usuura gashay inay gacanta kusoo dhigaan Lix aake 47-labo saban oo saxaafada uu usoo bandhigay.
Wiilka lasoo bandhigay ayaa sheegay in laga soo qabtay xaafada gubta ee Degmada Dayniile halkaasi oo ciidanka xalay isaga oo fadhiya maqaayad ku taala ciidamad Dowladda ay kasoo qabteen.
Ciidamada Nabadsugida qaranka Dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay howlgalo joogto ah ka sameeyaan Magaalada Muqdisho oo ay kusoo qab qabtaan dhalinyaro la sheegay inay shabaab yihiin.