Madaxa Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF oo Maxkamad Lasoo Taagayo

0
364

Paris (INO)- Christine Lagarde, madaxa hay`adda lacagta adduunka ayaa waxaa u yeertay maxkamad ku taal Fransiiska halkaas oo laga doonayo in ay kaga jawaabto su`aalo ku aadan dacwad musuq-maasuq.

Haweeneydan ayaa sanadkii 2008 waxa ay lacag gaareysa 403 milyan oo euro u sixiixdan in la siiso ganacsadaha maalqabeenka ah ee reer France Bernard Tapie.

Markii ay dhacdadani fulineysay ayay waxa ay aheyd wasiirka maaliyadda xukuumaddii Nicolas Sakozys ee dalkaasi fransiiska.

imf1

Wakhtigaas, ninka lacagta la amaahiyay ee Bernard Tapie ayaa waxaa uu ahaa nin taageera madaxweynihii soo maray Fransiiska Nicolas Sakozys, waxaana lacagta ay u sixiixday ms. Christine lagu sheegay mid magdhow aheyd kaddib markii uu maxkamad la korayay bangiga Credit Lyonnais.

Maxkamadda ayaa aaminsan in lacagtani loo ballanqaaday ganacsadaha xilligii doorashada Nicolas Sakozy si uu u taageero.

Si kastaba ms. Christine ayaa muteysaneysa xabsi sanad ah iyo ganaax lacageen oo gaaraya 15-kun oo euro hadii lagu helo dambigan.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.